Wararkii ugu dambeeyey muranka doorashada iyo B/Caalamka oo la filayo in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli taagan xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay hanaanka doorashooyinka dalka, taasi oo mareysa meel xasaasiy ah tan iyo markii guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ay ku dhawaaqeen doorasho hal dhinac ah.

Dadaal badan oo laga galay xiisada ka dhex aloosan dowladda federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka ayaa kusoo dhamaaday fashil, waxaana gebi ahaana istaagay dhaq-dhaqaaqii siyaasadeed ee hogaamiyeyaasha Soomaalida.

Dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa ilaa hadda ku muransan hanaanka doorashada, iyada oo mucaaradka iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ay ka hor yimaadeen guddiga doorashada ee dowladda federaalka ay gadaal ka riixeyso.

Sidoo kale waxaa meesha ka baxay xiriirkii hogaamiyeyaasha dhinacyada isku haya doorashada, midaasi oo ka dhigtay in dhaq-dhaqaaqii siyaasadeed ee madaxda dalka uu istaago.

Muranka doorashada ayaa u muuqda mid ka go’aan gaaristiisa loo daayey beesha caalamka oo dhowr jeer ka digtay doorasho hal dhinac ah, iyada oo madaxda dowladda federaalka culeys ku saartay inay qabato doorasho ay u dhan yihiin saamileyda siyaasada.

“Haddii Ra’iisul wasaarihii doorashada qabanayay intaan la kulmay aan ku balannay in xal la gaaro uu markii dambena lasoo istaagay horaa loo soconayaa, doorasho kala dhiman ayaa la qabanayaa, oo dowlad goboleedyada Puntland iyo Juabbaland ka maqan yihiin, oo musharraxiintii tartamayay aysan ku qanacsaneyn. Haddii madaxweynihi aan la arkeynin, oo la mqleynin, adeerow dalkaas beesha caalamka ayadaa awalba maxkamad dastuuri ah ka ahayd, ciidankeeda ayaa jooga oo dadkan kala haya, annaga beesha caalamka ayaan garnaqsigeenna geynay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan helnay ayaa sheegaya in xalka muranka uu ka baxay gacanta Soomaalida, islamarkaana go’aan kama dambeys ah laga sugayo beesha caalamka iyo inay Soomaalida u yeeriso wixii ay sameyn lahaayeen.

Go’aankan ayey u eg tahay inuu iman doona kadib 7-da Febraayo, markaasi oo ay ku eg tahay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.