James Swan oo shaaciyey qorshe doorashada la xiriira oo uu wado Lafta-gareen

Baydhaba (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo shalay gaaray magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, ayaa shaaciyey qorshe la xiriira doorashada Soomaaliya oo uu wado madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdcasiis Lafta-gareen.

James Swan ayaa shaaciyey in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu qaatay door dhex-dhaxaadineed oo ku aadan khilaafka doorashada Soomaaliya, isla markaana ay Qaramada Midoobey ku qanacsantahay dadaallada uu wado Lafta Gareen.

“Cabdicasiis Lafta Gareen waxaan kawadahadalnay xaaladda ballaaran ee siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Arrintaan, waxaan jeclaan lahaa inaan ku muujiyo sida aan ugu qanacsan yahay dadaalada socda ee madaxweyne C/ Casiis uu isugu keenayo dhinacyada kala duwan si ay uga heshiiyaan wadada loo marayo doorashooyinka,” ayuu yiri James Swan.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri, “Waxaan mar kale ku celinayaa in la qaato tallaabo la isla oggol yahay iyo wax wada qabsi, oo macnaheedu yahay in wax walba la hor mariyo danta dalka, ay muhiim tahay waqtigan.”

Sidoo kale Danjire James Swan waxa uu sheegay in Qaramada Midoobey dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya ay ku boorinayaan inay wadahadlaan, isla markaana meesha ka saaraan is qabqabsiga.

“Hadaanahay Qaramada Midoobey, waxaan ku boorineynaa dhamaan hoggaamiyaasha Soomaaliya in ay sameeyaan dadaal kasta oo ay ku galayaan wadahadal qaab wadajirka ah, si loo hubiyo in doorashooyinka Qaranka la qabto, iyadoo lagu saleynayo is afgarad ballaaran, oo salka ku haya heshiiskii 17-kii Sebtember, iyo in doorashooyinkaasi ay salka ku hayaan hufnaan , cadaalad iyo ka wada qayb-gal” ayuu hadalkiisa ku sii daray wakiilka Qaramada Midoobey James Swan.

Booqashada Baydhaba iyo wadfigan ka socda Qaramada Midoobey ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maalin ka hor madaxweyne Lafta Gareen uu gaaray magaaladaas.

Wixii ka dambeeyey markii madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu ku dhawaaqay inuu ku fashilmay dhex-dhaxaadintiisii dhinacyada mucaaradka iyo dowladda dhexe, waxaa soo baxayey warar sheegaya in doorkaas uu mar kale qaatay madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, balse weli majiraan wax isu soo dhawaansho ah oo muuqda.