Maxaa dhex-maray wasiir Abdirisaaq iyo Ilhan Omar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan aalada fogaan arraga kula qaatay Ilhaan Cumar, oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka, xili ay xiisad xoogan ka taagan tahay dalkaas.

Kulankan oo ay si wada-jir ah u soo qaban qaabiyeen Machadka Nabadda Mareykanka iyo Safaarada Soomaaliya ee Mareykanka ayaa waxa diirada lagu saaray xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan mida amni ee ka taagan dalka Soomaaliya.

Wasiir Cabdirisaaq oo kulankaasi war kasoo saaray ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa twitter-ka waxa uu ku sheegay in kulanka uu Ilhaan la qaatay uu ahaa mid miro dhal ah, oo ay kaga wada-hadleen xaalada siyaasadeed iyo dib u habeynta ajendayaasha qaranka.

“Waxaan warbixin kooban ka siiyay xaaladda siyaasadeed, tan amni iyo dib u habeynta agendiyaasha qaranka iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha,” ayuu ku yiri wasiirka qoraalkiisa Twitter-ka.

Sidoo kale waxa uu sheeagy inay ka wada-hadleen iskaashiga labada dal iyo taageerada joogtada ah ee uu Mareykanka uu siiyo dalka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka taageerta dib u dhiska, gaar ahaan arrimaha amniga, iyada oo ka fulisa dalka duqeymo ay ku beegsaneyso argagixisada, si hoos loogu dhigo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah amniga ah ee ay ka maleegan dalka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xili uu Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxayo dalka Soomaaliya, kadib go’aan uu si deg-deg ah ugu dhawaaqay madaxweynaha xilka laga tuurey ee dalkaas, Donald Trump, kaasi oo fulintiisu ay bilaabatay.