Al-Shabaab oo la wareegay deegaan Dhuusamareeb iyo Guriceel u dhaxeeya

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ayaa saqdii dhexe ee caawa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceeldheere, oo ku yaala inta u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo Guriceel. Haddii si kale loo dhigana waxay Ceeldheere 30km u jirtaa Magaalada Dhuusamareeb.

Shabaabka ayaa deegaanka Ceeldheere ka soo weeraray kontoroolka ku yaala wadada laamiga ee aadda Magaalada Guriceel.

Wararka ayaa sheegaya in mintidiinta Al-Shabaab ay iska caabin kala kulmeen ciidamo boolis ah oo deegaankaasi ka hawlgala, inkastoo markii dambe ay u suurtagashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay weerarkaasi, oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidamada Dowladda ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ka bilaabay abaabul ciidan, oo ay tahay in dib loogu qabto deegaankaasi.

14-kii bishii November ayay ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay bilaa dagaal kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Ceeldheere, inkastoo saacado ka dib ay dib uga baxeen.

Waxaa muuqata in Shabaabku ay culeys weyn soo saareen deegaanada Galmudug, tiiyoo aad ka garan karto dhaqdhaqaaqyada iyo weerarada joogtada ahi, ee ay ka gaysanayaan.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa 19-kii bishii December sheegay in Shabaabku ay soo buuxiyeen deegaanada Galmudug. Hadalkan ayuu sheegay maalin ka dib ismiidaamintii Saraakiisha lagu laayay ee 18-kii December ka dhacday Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Hujuumka Shabaabka ee deegaanada Galmudug waxay ku soo aadaysaa, iyadoo uu meesha ka baxay Maamulkii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, oo dagaal adag kula jiray.

Ahlu Sunna ayaa muddadii laba iyo tobanka sano ee Gobolada Dhexe ka hawlgaleysay waxay ku guuleysatay in dhulkii ay maamuleysay ka dhigto mid ka caagan weerarada Al-Shabaab.

Dadka fallanqeeya arrimaha ammaanka waxay ku sheegayan in Ahlu Sunna ay fahamsaneyd xeeladda dagaalka ee Al-Shabaab, inkastoo dadkii qaarkii ay qabaan in dagaalkeedu uu caqiiddo ku dhisnaa.

Ahlu Sunna waxaa lagu ammaanaa in ay shacabka Soomaaliyeed bartay in lala dagaalami karo kooxaha argagixisada, isla-markaana ay ka go’neyd la dagaalankooda.

Si kastaba ha-ahaatee maqnaanshaha Ahlu Sunna ayaa waxaa wax ka yar hal sano laga dareemay Gobolada Dhexe.