Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Golaha Aqalka Sare ee ka dhaceysa Jowhar

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa saaka ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada Aqalka Sare, taas oo maanta ka dhaceysa magaaladaas oo sidoo kale xarun u ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Illaa 27 musharax ayaa ku loolamaya doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare, kuwaas oo ku tartamaya sideeda kursi ee maamulkaasi uu ku leeyahay Golaha Aqalka Sare.

Musharixiinta ayaa xalay kulamadii ugu dambeeyey la qaatay xildhibaanada golaha wakiilada ee dowlad goboleedka HirShabelle, iyaga oo kala hadlay arrimaha doorashada.

Guddiga doorashada ee HirShabelle ayaa dhinaca kale xusay in kaliya maanta la qabanayo doorashada saddex kursi oo ka mid ah sideeda kursi ee taalla magaalada Jowhar.

Kuraasta qaar ayaa isha lagu hayaa, kuwaas oo ay ku tartami doonaan siyaasiyiin saameyn, waxaana ka mid ah kuraastaas kursiga uu ku fadhiyey Muuse Suudi Yalaxow oo mar labaad doonaya in dib loo doorto, hayeeshee waxaa haatan kula tartamaya Cabdullaahi Sheekh Xasan,  Axmed Xasan Cadow (Daaci) iyo Dr. Xasan Cadaay Cali.

Sidoo kale kursiga xiisa leh waaa midka uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Dr Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) oo markale isa soo sharraxay, isna waxaa kula tartamaya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo Raage Xasan Cusmaan (Xuut)

Dhammaan musharixiinta tartameysa ayaa shalay khudbado ka jeediyey xarunta baarlamaanka ee HirShabelle, iyaga oo ka hadlay taariikhdooda iyo waxqabadkooda.

Doorashada HirShabelle ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana musharixiinta ay u tartami doonaan si daah-furan, iyadoo halkii kursi ay u sharraxan yihiin laba ugu badnaana lix.