Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay Bakaaraha

Muqdisho (Caasimadda Online) – Jugta Qarax Xoogan ayaa waxaa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan, isla markaana waxaa la dhigay kasoo horjeedka Xarunta Dahabshiiil ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho,iyadoo halkaasi uu ku qarxay.

Inta la xaqiijiyay haweeney ayey ku geeriyooray taasoo saarneyd Bajaaj meel u dhow gaariga mareysay. Sidoo kale waxaa qarax ku dhaawacmay laba qof oo kale, waxaana goobta gaaray Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Dhaawacyadda ayaa lasoo qaaday Isbitaal, waxaana hadda halkaasi howlgallo ka wadda Ciidanka Booliska.

Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, waxaana dib usoo noqday dhaq dhaqaaqa suuqa oo daqiiqado xayirnaa.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com