Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay duleedka BALCAD + Khasaaraha

Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha ayaa sheegaya in barqanimadii maanta qarax xoogan oo geystay khasaare kala duwan uu ka dhacay waddada dheer ee isku xirto magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay deegaanka Qalimow oo hoostaga degmada Balcad, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa la geliyey goob maqaaxi oo ku taalla deegaankaas, isla-markaana ay fariistaan askar ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay weerarkan qaraxa ah, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiro askar iyo dad shacab ah oo xilliga uu dhacayey qaraxa ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa milatariga dowladda Soomaaliya oo howl-gallo kooban ka sameeyey deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war oo kasoo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan qaraxaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Muddooyinkii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gobolka Shabeelahay Dhexe, waxayna dhowaan la wareegtay degmada Balcad oo ay heysatay muddo kooban, walow markii dambe ay dib uga baxday gudaha magaaladaasi.