Ciidanka Badda Mareykanka oo gacanta ku dhigay markab hub geeyey Soomaaliya

Dubai (Caasimada Online) – Ciidamada Bada Mareykanka ayaa Gacanka Cumaan ku qabtay Markab hadda ka hor hub geeyey Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.

Warka kasoo baxay ciidamada badda ayaa lagu sheegay in markabka gantaalaha xambaara ee USS Cole uu markabkan ku qabtay meel u dhow biyaha dalka Iran.

Markabka ayaa isticmaalayey marin ay inta badan adeegsadaan doomaha iyo maraakiibta hubka u geeya kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Waxaa saarnaa maadooyinka kiimikada ee loo adeegsado in lagu sameeyo walxaha qarxa.

Markabkan ayaa sanaddii tagtay waxay sidoo kale ciidamada Mareykanka ku qabteen xeebaha Soomaaliya ayada oo ay saarnaayeen hub badan, waxaana lasii daayey markii hubka laga reebay. 

Bayaanka kasoo baxay ciidamada badda Mareykanka ayaa intaas ku daray in markabka la qabtay 6-dii Janaayo, waxaana saarnaa shan qof oo u dhashay dalka Yemen.

Qabashada markabka iyo kiimikada halista ah ee saaran ayaa timid ayada oo ay sare usii kacayaan rabshadaha dalka Yemen ee u dhaxeeya isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo iyo dagaal-yahanada Xuutiyiinta.

Jimcihii, ugu yaraan 70 qof ayaa lagu dulay 100 kalena waa lagu dhaawacay dalka Yemen kadib duqeyn ay fuliyeen Sacuudiga. Weerarka ayaa lagu beegsaday xabsi ku yaalla Yemen, wuxuuna qeyb ka ahaa dadaal dib loogu riixayo Xuutiyiinta.

Weerarka ayaa sidoo kale dhacay maalin kadib markii Xuutiyiinta ay weerar loo adeegsaday diyaarado drone ah ku qaadeen magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, kaasi oo lagu dilay saddex qof, lix kalena lagu dhaawacay.