“Farmaajo iyo Kheyre waxay galeen dambi qaran markii ay dhiibeen Qalbi-Dhagax”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorshaynta Galmudug, Cabdikaafi Maxamed Maxamud oo la hadlay saxaafada ayaa guul ku tilmaamay go’aankii shalay ay qaateen Golaha Wasiirada xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay in go’aankii shalay uu Golaha kaga laabtay qaraarkii ONLF loogu daray liiska argagixisada uu ahaa mid bulshada Soomaaliyeed ku wada qanceen, marka laga reebo koox Villa Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxan soo dhawaynayaa go’aanka Golaha wasiirada PM Rooble ku burburiyeen in Qalbi Dhagax iyo Ururka ONLF yihiin Argagixiso. Waxa uuna ahaa Guul siyaasadeed iyo mid bulshada Soomaaliyeed ay ku wada qanceen,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, oo ayagu qeyb ka ahaa go’aankii ay xukuumadda Rooble ka laabatay.

“Ex PM Xasan Cali Khayre iyo Ex Madaxwayne Farmaajo waxay go’aamiyeen in Qalbi Dhagax iyo Ururka ONLF yihiin argagixiso, runtii go’aankaas laftigiisa ayaa ahaa mid argaxigiso-nimo iyo mid qiyaano-qaran labadaba waana in doorashada soomaaliya looga reebo dambigan wayn ee ay dalka iyo dadka ka galeen(traitors).”

Afhayeenka ONLF oo la hadlay BBC-da ayaa dhankiisa soo dhaweeyay go’aanka taariikhiga ah ee ay shalay qaateen Golaha Wasiirada xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, asaga oo sheegay inay tagayaan Soomaaliya iyo caasimada dalka ee Muqdisho.

Sidoo kale Qalbi-Dhagax ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo ay meel kasta dacwo uga dhigayaan raggii ku dhibaateeyey magaca dowladnimada Soomaaliya, isagoo mid mid ugu mahad celiyey wasiiro faro ku tiris ah oo 2017-kii diiday go’aankii ay xukuumadii Kheyre ugu aqoonsatay argagixisada.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo si weyn looga falceliyey go’aankii Golaha Wasiirada ee liiska argagixisada looga saaray Ururka ONLF ee Soomaali Galbeed, go’aankaas oo ay horey usoo saartay xukuumaddii uu horkacyey ra’iisul wasaare Mudane Xasan Cali Khayre.

W/Q: Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Soomaaliya