Wararkii ugu dambeeyey QARAX maanta ka dhacay MUQDISHO + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay waxyeelo kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay ku xirnaayeen Makarafoono loogu tala-galay in dadka looga wacyi-geliyo Covid-19.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegaya in qaraxan uu ku dhintay wadihii gaariga, sidoo kalena ay dhaawacyo soo gaareen askar iyo dad kale oo la socday baabuurkaasi.

Goobta uu qaraxu ka dhacay oo ku dhow garoonka kubadda cagta ee Qoob-Dooro ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Si kastaba qaraxan miino ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.