Midowga Musharaxiinta oo qoraal cusub kasoo saaray xaaladda dalka (Aqriso)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Midowga musharaxiinta ayaa soo saaray qoraal cusub oo ay kaga hadlayaan xaalado badan oo dalka ka jira, ayna ka mid tahay arrimaha amniga, shirka la filayo inuu ka qabsoomo Muqdisho iyo xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Qoraalka ay soo saareen oo dhinacyo badan looga hadlay, waxey qeyb ka mid ah kaga eedeeyeen madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu dalka u horseeday amni xumo isla markaana ay taasi keento in lagu kalsoonaan waayo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxey soo dhaweeyeen shirka ay yeelanayaan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, taasoo la rabo in xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Shirka ay xubnahaas isugu imaanayaan wuxuu ka qabsoomi doonaa teendhada Afisyooni oo ah halkii lagu qabtay doorashadii uu kusoo baxay FARMAAJO, waxaana kalsooni darrada ka dhalatay wixii dhacay 19-ka February loo baahday in xubnaha beesha caalamka ay damaanad qaadaan hirgalinta wixii kasoo baxa iyo amniga goobta lagu shirayo.

Dhanka kale Midowga musharaxiinta waxey hay’adaha amniga ku eedeeyeen ka gaabinta hawlahooda, dhanka tabaabushaha, falcelinta iyo baaritaanada, iyagoo tusaale usoo qaatay weerarkii lagu qaaday maqaayadda Luul Yamani dhawaan.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA KASOO BAXAY
mucaa