Sawirro: DAHABSHIL Group oo ka jawaabtay baaqii DF, kuna wareejisay warshad dhalisa Oxygen-ta

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Dahabshil Group oo ka jawaabeysay baaqii wasaarada caafimaadka Soomaaliya, ayaa Oxygen gaarsiisay qaar ka mid ah isbitaalada lagu baxnaaniyo bukaanada uu soo ritay cudurka COVID-19, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka.

Warsaxaafadeed

Shirkadda Dahabshil Group oo u damqaneeysa bulshada Soomaaliyeed ayaa ka jawaabtay baaqii wasaarada caafimaadka, kaasoo ahaa in si degdeg ah loo soo gaarsiiyo Oxygen isbitaalada lagu baxnaaniyo bukaanada uu soo ritay caabuqa Covid 19.

Waxaa xusid mudan in mudooyinkii ugu danbeeyay Oxygen yari ay ka jirtay isbitaalada lagu dabiibayo bukaanada qaba Covid 19.

Taasoo si siman looga dareemay go’naanta Oxygen-ta guud ahaan isbitaalada dowlada & kuwa gaarka loo leeyahay.

Waxaa Oxygen la’aan darted u geeriyooday boqolaal bukaan kuwaasoo u baahnaa gargaar degdeg ah in loo fidiyo islamarkaana lala garo Oxygen bukaanada Covid 19 si ay neef la’aan ugu dhiman.

Shirkadda Dahabshil Group oo si degdeg ah uga soo jawaabtay baaqii dowlada soomaaliya, sidoo kale ahmiyad gaar ah siisay baahida ay qabaan shacabka soomaaliyeed xiligaan adag ee lagu jiro iyadooo bulshadu isugu darsantay Coovid 19 mowjadiisii 2aad, abaaro & biyo la’aan ku habsaday gobolada koonfurta & bartamaha soomaaliya qaarkood.

Dahabshil Group ayaa ugu deeqday wasaarada caafimaadka & isbtaalka martini warshad dhalisa Oxygn-ta, taasoo ay ka faa’ideysan karaan malin kasta ilaa 250 bukaaan.

Shirkadda dahabshil Group ayaa xal la taaban karo u heshay mushkiladii oxygen-la’ aanta ka jirtay isbitaalada lagu daweeyo bukaanada uu soo ritay Cudurkaan Halist ah ee Covid 19.

Dahabshil Group ayaa balanqaaday Qarasha ku baxaya rakibida (PSA Oxygen System) & Habsami usocodka shaqooyinka maalinlaha uu Machine-kaan qabanaayo Waxaa intaas dheer cilad bixintiisa hadii ey cilad ku timaado.

Sidoo kale shirkadda dahabshil Group ayaa waxa ay haatan olole biyo dhaamin ka wadaa gobalka Gedo oo laga soo sheegayo abaar baahsan & biyo yari saameeyay dadka iyo duunyada intaba.

Horaantii sanadkii tagay ayey aheyd markii ay Dahabshil Group ugu deeqday gaari Ambulance Hyundai casri ah (Zero Mile) kaasoo ka qeybqaatay ololaha gurmadka bukaanadii uu haleelay caabuqa Covid 19 Heerkiisii 1aad ee sanadka 2020.