Sawirro: Kheyre oo hoygiisa ugu tegay Madoobe – Maxaa looga hadlay kulankooda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe ayaa maanta hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo kamid ah Midowga Musharaxiinta.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo dadaalka xal ka gaarista doorashada oo uu madaxweynaha Jubbaland u yimid magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid sidi xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha arimaha Doorashada ka taagan, wuxuuna ka qeyb-galaya shir ka dhacaya gudaha xerada Xalane.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo kala duwan oo uu sii gooni-gooni ah madaxweynaha Jubbaland ula qaadanayo madaxda mucaaridka iyo saaxiibada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka la filayo inuu Muqdisho ka qabsoomo todobaadkaan.

Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir ayaa ku shiri doona teendhada Afisyooni halkaas oo ay ka dhacday doorashadii 8-da February ee lagu doortay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa la sugayaa in halkaas lagu gaaro heshiis loo dhan yahay oo horay loogu socdo si loo qabto doorasho la wada oglyahay, waxaana lagu jaangoyn doonaa heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii September 2020 iyo is fahamkii guddiyada ay ku gaareen Baydhaba bartamahii bishii February 2021.