Xog: Shaki hareeyey kaalinta Farmaajo ee shirka Afisyooni – Maxaa soo kordhay?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhowaan waxaa teendhada Afisyooni ka furmaya shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, oo ay goobjoog ka tahay beesha caalamka, shirkaas oo looga hadlayo is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan la ogeyn kaalinta uu ku yeelan karo shirka la filayo inuu ka dhaco teendhada Afisyooni oo aheyd halkii lagu doortay afar sano ka hor.

Beesha caalamka ayaa FARMAAJO ku cadaadisay inuu shirka furo islamarkaana soo xiro, balse uu shirka toos uga qeyb gali doono ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-heynta Maxamed Xuseen Rooble, waana arrin aysan ku qancin qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada.

Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in Farmaajo uu rabo inuu ka cudur daarto ka qeyb galka shirka ka dhacaya teendhada Afisyooni, iyadoo cudur daarka laga dhigayo xanuunka Covid-19, isla markaana uu wakiilan doono Rooble.

Iyadoo ay taasi jirto hadana waxaa jira saddex shardi oo ay soo gudbiyeen Saciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe oo laba ka mid ah ay hirgaliyeen beesha caalamka taasoo ah in goob amaan ah loo dooro shirka, sidoo kalana ay beesha caalamka goob joog ka noqoto, marka laga tago intaas waxaa haray qodob xasaasi ah oo madaxweynayaasha ku xireen furitaanka shirka.

Qodobka xasaasiga ah wuxuu yahay in madaxweynaha uu qoro warqad uu ku caddeynayo inuu dalka doorasho galaayo, isla markaana la xakameeyo awoodahiisa, waxaa sidoo kale soo raacaya qodobo kale oo laga sugayo inuu saxiixo Farmaajo ka hor shirka.

1.  Inuu ogolaado inuusan saameyn ku yeelaneyn doorashada oo loo xil saaro xukuumadda xil heynta iyo ciidamada Booliska oo ay wehlinayaan AMISOM.

2. in guddiyada doorashada si mug leh loo badalo, lagu daro xubno dhex-dhexaad ah oo aan dhinacna raacsaneyn.

Beesha caalamka waxey xoogga saari doontaa sidii la isugu keeni lahaa hogaamiyayaasha maamullada iyo dowladda dhexe si ay u saxiixaan heshiis doorasho, loona guda-galo fulinta wixii lagu heshiiyay.

In mucaaradka iyo bulshada rayidka ah ka qeyb galaan shirka ayaan loo arkin wax weyn, taasna waxey u badan tahay in meesha laga saari doono, maadaama Farmaajo aad u diidan yahay.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan dooneyn inuu ka qeyb galo shirka ka dhacaya Afisyooni, isla markaana uu rabo inuu Rooble wakiisho.

Qof walba wuxuu xasuusanayaa shirkii dhexmaray midowga musharaxiinta iyo Maxamed Xuseen Rooble kaas oo ku dhamaaday fashil, shaki badan ayaana ka jira in Farmaajo ka qeyb galayo shirka lagu balansan yahay iyadoo qaar ka mid ah madaxda maamullada ay doonayaan inuu yimaado iyadoo beesha caalamka goob joog tahay.