Wararkii ugu dambeeyey qaraxii caawa Muqdisho ka dhacay oo ay dad badan ku dhinteen

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino hor dhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoog leh oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar-Jajab.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay 30 kalena way ku dhaawacmeen qaraxa, sida laga soo xigtay adeegga ambalaasyada ee Aamiin Ambulance.

Hey’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxaan.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari noociisa lagu sheegay NOAH oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo la dhigay afaafka hore ee maqaayadda Luul-Yemeni oo aan ka fogeyn dekedda weyn ee Muqdisho iyo halka laga ilaaliyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxaas ayaa u badan shacab maqaayadda ka cunteynayey iyo kuwo la socday gaadiidkii isticmaalayey wadada hor marta maqaayadda.

Sidoo kale waxaa soo dumay guri u dhawaa maqaayadda la qarxiyey ee Luulyemeni, kaas oo loo maleynayo in burburkiisa uu dad kale ku hoos jiro, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray dhammaan wadooyinka soo gala aagga uu qaraxu ka dhacay, waxaana goobta ka jirta xaalad kacaanaan ah.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online