Daawo: DF oo ka jawaabtay go’aanka ay mucaaradka ku baajiyeen dibad-baxa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay golaha midowga musharaxiintu ku joojiyeen banaanbaxii dhici lahaa Sabtiga berri.

Waxa uu sheegay in horay looga dooday goobta ay banaanbaxa ku qabanayaan oo dowladdu soo jeedisay goobo kale, balse ay musharaxiintu ku adkeysteen taallada Daljirka, ugu dambeyna ay ka ogolaadeen.

Wasiirka ayaa qiray in dowladdu maanta ay ciidamo geysay fagaaraha Daljirka Daahsoon, isagoo sheegay in loogu tala galay inay sugaan ammaanka goobtaas, maadaama ay dowladdu qaadeyso mas’uuliyadda waxii xumaada.

Golaha midowga musharaxiinta oo iyaggu galabta shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Jaziira ayaa shaaciyey inay dib u dhigeen banaanbixii Sabtiga, iyagoo sababta ku sheegay in dowladdu ay ciidamo ku daadisay goobihii ay ugu talagaleen banaanbaxaas.

“Waxaa isku qaban-qaabineyn mudaharaadkii, laakiin goobihii loogu talo-galay mudahaaraadka kuligood waxa la geeyay ciidamo, taasi oo ka baxsan balantii iyo heshiiskii hore loo galay, waxayna muujineysa dooda musharaxiinta ee arrinta amniga,” ayuu yiri guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Sheekh Shariif.

Wasiirka amniga Xasan Xundubey oo kadib-kood hadlay ayaa yiri, “Musharaxiintu waxay ku doodeen in lagu wareejiyo ammaanka 300 oo isku weer ah, si banaanbaxa ay ugu qabsadaan, laakiin dowladda taasi waa ku adkaaday, weli waxaa socday wada-hadal, balse musharaxiintu waxay ku mahadsan yihiin inay garteen qatarta caafimaad ee dalka ka jirta, waana soo dhaweynay go’aankii ay ku joojiyeen banaanbaxa.”

Hoos ka Daawo