Wararkii ugu dambeeyey qorshaha xasilinta Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay Aqalka dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta caasimada ee Military Police, xilli lasii adkeynayo amniga magaalada.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghaya Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Faysal Caraale Afrax, ayaa waxaa warbixino looga dhageystay saraakiisha amniga.

Saraakiisha ciidanka xasilinta caasimada ee Military Police ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga caasimada iyo guulaha laga gaaray howl-galada laga fuliyay degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa ku bogaadiyay ciidanka xasilinta caasimadda ee Military Police sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ka hortaga falalka lidiga ku ah amniga.

Sidoo kale waxa yu ku amaanay sida wanaagsan oo ay ula fal-galaan bulshada, inta ay kujiraan howlaha sugida amniga caasimadda.

Ciidamada ayaa tan iyo intii ay la wareegeen ammaanka caasimadda wax weyn ka beddelay, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray caasimadda, kadib markii ay kordhiyeen baaritaanada.

Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagayo, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, ee lagu sugayo amniga caasimada iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.