Wararkii ugu dambeeyey safarka Ra’iisul Wasaare ROOBLE ee Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Rooble ayaa safarkiisa waxa uu la xiriiraa hubinta howlaha qabsoomidda doorashada Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dowlad goboleedka Galmudug.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa haatan laga dareemayaa caasimada Dhuusamareeb, iyada oo aad lo adkeeyey amniga degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha marka uu tago kulamo gaar gaar ah la qaadan doono hoggaanka sare ee Galmudug, isaga oo kala hadli doono doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in kulankan lagu soo qaado xiisadda u dhexeysa Ahlu Sunna iyo Galmudug oo weli ka taagan duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Safarka Rooble ee Dhuusamareeb ayaa bilow u ah socdaallo kala duwan oo uu kiu bixin doono xarumaha maamul goboleedyada, isaga oo u kuur-galayo doorashooyinka 2021-ka.

Si kastaba, socdalka Rooble ayaa ku soo aadayo, iyada oo laba maalin ka hor Galmudug ay soo gabagabeysay kuraastaa uga harsaneyd xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.