Wararkii ugu dambeeyey ee safarka Rooble ee Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku sii jeeda gudaha  magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in wafti hordhac u ah ra’iisul wasaaraha ay haatan ku sugan yihiin degmada Kismaayo, kuwaas oo shalay gaaray magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa haatan socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta waftiga ra’iisul wasaaraha oo saacadaha soo socda gaari doono halkaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee ku yaal magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Rooble ayaa marka uu tego Kismaayo la kulmi doono hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyaga oo ka wada-hadli doono, xaaladaha Jubbaland, ammaanka, dagaaalka Al-Shabaab iyo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale kormeeri doono xarumaha muhiimka ah ee Jubbaland, isaga oo la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waa safarkiisii ugu horreeyey ee uu ku tegayo magaallo xeebeedka Kismaayo, tan iyo markii uu la wareegay xafiiska, waxaana uu horey u booqday xarumaha kale ee maamul goboleedyada, sida Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo sidoo kale HirShabelle.

Socdaalkan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli haatan la guda galayo doorashooyinka dalka, waxaana Kismaayo ay ka mid ah meelaha lagu qabanayo doorashooyinka.