Xog: Loolan dowladda dhexdeeda ah oo sababay in lagu kala tago doorashadii guddiga Banaadiriga

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, khilaaf culus iyo is mari-waa xoog leh ayaa maanta ka dhashay doorashadii guddoonka guddiga doorashada ee beelaha Banaadiriga, taas oo keentay lagu kala dareero.

Goobtii ay maanta doorashadu ka dhaceysay waxaa isku qabtay xubno ka wada socday dowladda federaalka, oo u kala jabay laba garab oo kala taabacsan madaxtooyada iyo hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA.

Kooxda ka socota madaxweyne Farmaajo ayaa guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada ee beelaha Banaadiriga la doonayey nin lagu magacaabo Prof. Maxamed Xaaji Maye. Hase yeeshee nin lagu magacaabo Cabdinaasir oo isna kasoo jeeda beesha Shiikhaal reer Jazeera ah oo la sheegay inuu ka socday NISA, ayaa ka hor yimid qorshaha garabka Villa Somalia, kaas oo guddoomiye ku xigeen u raba nin kale oo magaciisa lagu soo koobay Cabdullahi Xasan Maxamed.

Khilaafka ugu weyn waxa uu ka dhashay qaabka loogu cadeynayo xubnaha musharaxiinta ah, waxaana doorashada oo markii hore ku bilaabatay gacan taag guddoomiyaha guddigaas loogu doortay Sacdiya Cali Aweys Boolaay oo ah xaaska guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg.

Markii ay soo dhamaatay doorashada guddoomiyaha ayaa la isku qabtay qaabka loogu codeynayo guddoomiye ku xigeenka, taas oo hoolka ka dhalisay buuq iyo in doorashadii dhacday laga soo qaado waxba kama jiraan.

Sida aan xogta ku helnay xubnaha guddiga ee beelaha Banaadiriga oo maanta ku soo kala tegay hoolkii ay dooran lahaayeen goddoonkooda ayaa berri u balansan doorasho kale.

Waxaa jira khilaaf ka taagan qaab loogu codeynayo musharaxiinta, waxayna labada garab ee ka kala socota NISA iyo Villa Somalia kala dalbanayaan in lagu codeeyo gacan taag iyo in lagu codeeyo sanduuq.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in Villa Somalia ay dooneyso in guddoonka guddiga beelaha Banaadiriga loogu codeeyo gacan taag, halka garabka NISA ay dooneyaan in lagu codeeyo sanduuq.