Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Golaha Wadatashiga ee ka furmaya MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu ka furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Dhammaan hoggaamiyeyaasha maamullada dalka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyey hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo HirShabelle oo maanta lagu soo dhoweeyey caasimada, halka Deni, Lafta Gareen iyo Qoor Qoor ay shalay yimaadeen.

Qaban qaabadiii ugu dambeysay ee furitaanka shirkan ayaa haatan ka socoto xarunta Villa Soomaaliya oo ah halka uu ka dhacayo shirkan oo ah mid xasaasi ah.

Shirka waxaa guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo ay ka qayb-galayaan ra’iisul wasaare Xamza, Duqa Muqdisho iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka.

Wararka aaan heleyno ayaa sheegaya in shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta labada dhinac iyo sidoo kale xoojinta howlgallada haatan ka billowday dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xogta ayaa intaasi ku sii dareysa in madaxdu ay falanqeyn doonaan arrimaha shidaalka ee ay haatan faraha la gashay dowladda Xasan Sheekh oo dhameystirtay heshiiska shidaalka.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaaadi doonaa gurmadka abaaraha, maadaama ay kasii darayaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska ku soo laabtay 15-kii May ee sanadkan 2022 ayaa kulamo hore la yeeshay madaxda maamul goboleedyada, isagoo kala wada hadlay sii amba qaadida howlaha waa weyn ee horyaalla dowladdiisa cusub iyo sidoo kale wada shaqeynta labada dhinac.