25.4 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

Wararkii ugu dambeeyey weerarka Godka Jilacow iyo Shabaabka oo laga dilay 6

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Godka Jilacow ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay ku dhow yihiin inay soo afjaraan weerarka, isla markaana la toogtay inta badan maleeshiyadii weerarka fulisay.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in tirada kooxdii weerarka soo qaaday ay gaarayeen illaa siddeed xubnood. Ilo-wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in lix ka mid ah weeraryahannada la dilay, halka labada kale ay weli dagaal kula jiraan ciidamada amniga.

Ciidamada gaarka ah ee Gaashaan ayaa lagu soo warramayaa inay ku biireen howlgalka ka socda gudaha xabsiga Godka Jilacow, waxaana weli aan la xaqiijin xaaladda maxaabiistii halkaas ku xirnayd, oo qaar ka mid ah lagu sheegay inay yihiin xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa jiray maxaabiis dhowr iyo toban ah oo baxsaday, hase yeeshee qaar ka mid ah shacabka ku nool xaafadaha ku dhow Godka Jilacow iyo ciidamada dharcadka ee halkaas ka howl-gala ayaa intooda badan dib u soo qabtay iyaga oo isku dayaya inay baxsadaan.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax loo adeegsaday gaari loo soo ekeeysiiyay kuwa ay isticmaalaan ciidamada hay’adda NISA, sida ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay war hordhac ah oo ay soo saartay.

Qoraalka dowladda ayaa lagu sheegay in abaare 4:40 galabnimo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ay weerar naf-hur ah ku qaadeen xarunta Godka Jilacow, oo kamid ah xarumaha hay’adda NISA. Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa isticmaalay gaari ay u ekaysiiyeen gaadiidka ciidamada hay’adda, taas oo suurto-gelisay in ay gaaraan bartilmaameedkooda.

Warbixinta dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in weeraryahannadu adeegsadeen xeelad cusub, iyagoo isku ekeeysiiyay ciidanka amniga, islamarkaana isticmaaleen gaari lagu buufiyay astaanta NISA.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta dib loogu furay illaa 52 waddo oo horay loo xiray sababo amni awgeed, si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka iyo dadka shacabka ah ee ku nool caasimadda.

- Advertisement -

Read more

Local News