Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Dhuusomareeb iyo ciidamo horleh oo gaaray

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Dhuusomareeb ayaa laga dareemayaa deganaan kadib dagaal socday in ka badan 9 saac oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Si kastaba rasaas goos goos ah ayaa weli laga maqlayaa goobaha qaar, taasi oo ay si iskood ah u ridayaan dhinacyada dagaalamay.

Dagaalkii maanta ayaa dhaliyey khasaare nafeed oo xooggan, ayada oo ay ku dhinteen 15 qof oo dhinacyada dagaalamay ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 kale.

Ciidamada dowladda ee ku dhaawacmay dagaalkii maanta ayaa lasoo gaarsiiyey magaalada Muqdisho, waxaana la dhigay isbitalka Digfeer.

Dhinaca kale, diyaarad sidday ciidamo ayaa galabta gaartay magaalada Dhuusomareeb, si ay u xoojiyaan ciidamada dowladda.

Inkasta, oo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada ciidamadaas, haddana wararka qaar ayaa sheegaya inay gaarayaan 200 oo askari.

Dhinaca kale, kooxda Ahlu-Sunna ayaa waxaa iyana usoo gurmanaya dagaal-yahanno la sheegay inay ka imanayaan baadiyaha, oo ku hayb ah hoggaanka kooxda.

Madaxda Ahlu-Sunna ayaa weli ku sugan gudaha xaruntooda INJI, waxaana dowladda ay isku dayeysaa inay halkaas ku go’doomiso.

Ma cadda sida xaaladdu ka dambeyn doonto, marka waagu beryo.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax war rasmi ah kasoo saarin dagaallada Dhuusomareeb iyo Guriceel, ee ay ku lug leeyihiin ciidamdeeda.