Wararkii ugu dambeeyey xaaladda xildhibaankii QARAXA lagu dhaawacay (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax habeenimadii xalay lagu dhawacay Xildhibaan Maxamed Mursal booroow.

Xildhibaan Maxamed Mursal booroow oo Qaraxa ku waayay qaar kamid ah xubnihiisa ayaa la soo sheegaya in xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso.

Xubnaha uu Xildhibaanka ku waayay Qaraxa ayaa waxaa kamid ah gacantiisa Bidix oo go’day iyo dhaawacyo kale oo kasoo gaaray oogada jirka.

Xildhibaan Maxamed Mursal booroow, ayaa waxaa isbitaalka ku booqday Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo siyaasad ahaan ay isku dhawayen.

Dhaawaca xildhibaanka ayaa xooggiisa ah qeybta dambe ee jirkiisa waxaana iminka la dhigay isbitaalka digfeer ee maagalada muqdisho, iyadoo warar soo baxaayana ay sheegayan in loo qaadi doono dalka dibadiisa.

Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Koofur Galbeed, waxaa la sheegay inuu horay uga soo mid ahaa Baarlamaanadii dalka soo maray.

Waxaa Ra’isul wasaare Kheyre wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka, waxa ayna sheegen in dowladda ay la socon doonto Xaaladda Xildhibaanka.

Dhaqaatiirta isbitaalka la geeyay Xildhibaanka ayaa sheegay in xaaladiisa Caafimaad ay soo hagaageyso in kastoo xildhibaanaka uu dhaawac culus soo gaaray.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay darawalkii waday gaariga Xildhibaanka oo isna u dhintay dhiigbax.

Dhinaca kale, Qaraxan ayaa waxaa uu kusoo beegmaya xili maalma ka hor madaxweynaha maamulka Hirsghabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay warbaahinta ayaa uga digay xildhibaanada barlamaanka soomaaliya in ay feejignaadaan, isagoona ka deeriyay amniga magaalada muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com