GUULEED oo DF Somalia u diray baaq ku saabsan xiisada ka jirta Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya khilaaf Siyaasadeedka ka dhex aloosan Madaxda maamul Goboleedka Galmudug iyo Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka.

Khilaafka gaaray heer xil ka qaadis lagu sameeyo mas’uuliyiinta qaar ayaa waxaa si kulul uga hadlay Hogaamiyihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Guuleed, ayaa ka digay xaaladda qalalaase ee ka taagan Galmudug, waxa uuna sheegay in Galmudug ay mudan tahay in laga dhaafo xiisadaha joogtada noqotay.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, xiisada Galmudug uga hadlay qoraal uu soo dhigay boggiisa waxa uuna tilmaamay in khilaafka uu yahay mid boholo ku hogaaminaya masiirka Galmudug.

Waxa uu Guuleed sheegay inay adag tahay in indhaha laga daawado xiisada magac dilay Galmudug, waxa uuna ku baaqay in la muujiyo degnaanshi siyaasadeed.

Guuleed waxa uu aad u dhaliilay hal ku dhiga ka caan baxay Galmudug ee ah (Waan ridnay iyo Mooshin ayaa ka yaala”.

Qoraalka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo dheer ayaa u qornaa sida tan:-

WAA RIDAY IYO WAA RIDAY XAL MA KEENEYSE GALMUDUG SIDA HA LOO DHAAMO.

Waxaan shaki ku jirin in aan wada ogsoon nahay dhibaatada laga soo maray dhismaha iyo yagleelidda dowlad gobaleedyada guud ahaan, gaar ahaana kan Galmudug oo ka mid ahaa kuwii ugu sii dhibka badnaa dhismahiisa iyo dhidibo u aasidiisa.

Haddaba anigoo ka mid ah dadka ay lexjeclada gaarka ah ka heyso jiritaanka maamulkaas, midnimadiisa iyo horumarkiisa, waxaan u soo jeedinayaa mas,uuliinta labada dhinac ee Galmudug inay tanaasul muujiyaan una turaan maamulka iyo bulshada u heyb sheegata, isuguna yimaadan wadahal ayagoo garwaaqsanaya in waariday iyo waariday aysan cidna xal u keenaynin, maamulka oo ku burbura ma ahee.

Sidoo kale dowladda dhexe iyo waxgaradka reer Galmudugna waxaan u soo jeedin lahaa in maamulka la badbaadiyo xaaladda khatarteeda la dareemo, meelna la isugu keeno mas,uuliinta labada dhinac ayadoo saldhig looga dhigayo heshiiskii Djibouti oo qodabadiisi la isla fahmo, si sax ahna loo wada fuliyo iyo xeerarka iyo sharciyada u yaala Galmudug iyo dalkaba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com