VIDEO: Somaliland oo soo bandhigtay taariko cusub

Hargeysa (Caasimada Online) – Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhaqan gelinayso taariko cusub oo ay qaadanayaan dhammaan gaadidka ka howlgala Somaliland.

Wasaaradda gaadidka ayaa shaaca ka qaaday in la baddalayo taarikadii hore isla markaasna ay gaadidlayda ay ku rakiban doonaan baabuurtooda taarikadan cusub.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta waddooyinka Cabdillaahi Abokor oo maanta saxaafadda kula hadlay xafiiska Hargeysa ayaa sheegay in sababta loogu dhawaaqay taarikadan cusub ay tahay in ciidammada waddooyinka Somaliland ay ku adkaatay inay akhriyaan lambarada iyo xarfaha ku qoran taarikada marka ay howlgallada ammaanka ay samaynayaan maadama ay badnaayeen xarfaha.

Wuxuu sidoo kale sheegay in kaddib markii ay sameeyeen daraasad dhaqaale ay usoo baxday inay baddalaan taarikada.

Cabdillaahi Abokor wuxuu ka dhawaajiyay in taarikada laga saaray lambaradii carabiga ahaa ayna u daayeen lambarada laatinka.

“Waxaanu ka saarnay lambaradii carabiga ahaa, sababtuna waxaa weeyaan in 22-ka dal ee Jaamacatul carab 14 kamid ahi waxay isticmaalaan laatiin, carab ma isticmaalaan, annaga oo cabbirkii eegeynaa waxayna markaa garannay in laga saaro lambarkii carabiga ahaa oo laatin qura ah lagu daayo, sababtuna lambarkuna wuu waynaanaya, markii hore waxaa laga arki jiray wax ka yar 100, imika qorshuhu uu yahay ilaa 800 miitar,in haddii gaarigaasi uu wax gaystay si fiicaan ciidammada nabadgelyda waddooyinka ay u arki karaan” ayuu yiri waasiirka gaadidka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in toddobaadkan gudahiisa ay gaadidlayda ay qaadan doonaan taarikadan.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli bilooyinkii ugu dambeysay ay ka jireen Somaliland dhacdooyin lagu xaday baaburta.

Ciidanka booliiska ee Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa ku guuleystay markaasi inay gacanta ku soo dhigaan shebekad baabuurta dadka kaga xadayay magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kaleba.