Galmudug oo sheegtay cida ka danbeysa mooshinada lagu eryey madaxdooda

Cadaado (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan Masagaway, ayaa mar kale sheegay in dowlada Somalia ay dhibaatooyin ku heyso maamulka.

Masagaway, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay faragalin adag ku heyso maamulka, waxa uuna tilmaamay in Mooshinada iyo xil ka qaadista ay iyada ka danbeyso.

Masagaway, oo warbaahinta kula hadlaayay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in faragalinta dowlada ay gaartay heer wafdi aan lagala tashan ay usoo dirto Galmudug.

Waxa uu Wasiirku tilmaamay in dowlada Somalia ay dhaqaale xoogan ku bixineyso burburinta maamulka Galmudug, islamarkaana Galmudug ay qaadi doonto tilaabo waafaqsan Sharciga, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Wasiir Masagaway ayaa shacabka magaalada Cadaado ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada, maadaama uu yiri ay faragalin kala kulmayaan dowlada.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xili khilaaf Siyaasadeed uu maamulka kala dhexeeyo dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com