Shirkii uu FARMAAJO ku baaqay oo u muuqda inuu hal mid ku dambeyn doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo qura ayaa ka harsan xiligii lagu balamay in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu ka furmayo shirka degdega ee Madaxweynaha Somalia uu isugu yeeray madaxda maamulada dalka.

Shirka oo ahmiyad gaara u leh dowlada dhexe iyo maamulada ayaa u muuqda inuu dib u dhac ku imaan doono maadaama Jawaabaha kasoo baxaaya madaxda maamulada ay muujinayaan qabsoomid la’aanta shirka la filaayo.

Seddex kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada oo u diyaar garoobaya doorasho ayey dani ugu jirtaa in ay muujiyan go’aan ad adeeg leh, maadaama ay cabsi ka qabaan in lagu faragaliyo doorashada ay doonayaan in mar kale ay ku hantan xilka.

Shakiga dib u dhac ku imaada doorashada ayaa ah in khilaafka u dhexeeya dowlada dhexe iyo maamul  gobaleedyada uu yahay mid marba marka xigta cirka isku sii shareeraya.

Qorshaha shirka ayaa ah inuu qabsoomo 17-ilaa 18 bishan, iyadoo dhinacyada ka faalooda arrimaha Siyaasada ay qabaan in uusan jirin  isku soo dhawaasho u dhaxeeysa dowlada iyo maamul goboleedyada.

Khilaafka oo labadii bil ee ugu danbeysay taagnaa ayaa cirka isku shareeray wixii ka danbeeyay qodobada laga soo saaray shirkii maamul goboleedyada ee ku soo idlaaday Magaalada kismaayo.

Madaxda dowladda weli kama hadlin khilaafka, marka laga soo tago in warqad uu Madaxweynaha Soomaaliya uu u diray Hogaamiyaasha maamul goboledyada,si ay ugu qeyb galaan shirka Golaha Amniga qaranka.

Sidoo kale, walaac ayaa laga qabaa in shirka uu dib uga dhaco xiliga lagu balamo, waxaana xusid mudan in Madaxda maamul Goboleedyada la casuumay ay soo saaren digniino ku aadan in mas’uul ka tirsan uusan ka qeybgali Karin shirka.

Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiyayaasha maamulada ayaa laga yaaba inay kasoo dabcaan go’aankooda ku aadan diidmada ka qeybgalka shirka uu ku casuumay Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com