Wararkii ugu dambeeyey xiisada Somaliland + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) ― Kadib xiisadii rabshadaha laheyd ee 48-saac u dambeeyay ka taagnaa gudaha Somaliland, ayaa saacado ka hor waxa magaalada Hargeysa ka bilowday kulamo xal loogu raadinayo soo afjarida xiisadaasi.

Xiisadan ayaa si weyn uga dhex aloosan Xisbiga mucaaridka ah ee Waddan iyo Xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo isku mari la’ xubnaha cusub ee komishanka ee uu ansixiyey golaha wakiilada Somaliland.

Xubno uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha xisbiga Waddani iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan xisbiga, kuwaasi oo ay wehlinayeen xubno kale oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Xubnahaasi ka qeyb galay kulanka ayaa waxay si wadajir ah u cambaareeyeen xariga Xukuumada Muuse Biixi ay kula kacday Mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, iyagoona sheegay inay xukuumadu hayso wado qaldan.

Waxa kale oo ay xubnahaasi ka dhawaajiyeen in Xukuumada Muuse Biixi ay ku qaldaneed talaabooyinka ay ku istaageysay banaanbaxyada xisbiga, iyo weliba ciidamada dheeriga ah ee xarumahooda lagula wareegay.

Kulankan ayaa u muuqda mid usii gogol xaadhaya kulamo kale oo lagu dajinayo xiisada ka dhex taagana Xisbiga Waddani iyo Xukuumada Biixi, si xal looga gaaro qalalaasaha siyaasadeed ee rabshadaha ka abuuray magaalooyinka Somaliland.