Wararkii ugu dambeeyey xiisadda doorashada S/LAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Hargeysa ayaa sheegaya in ay sii xooganeyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, taas oo ka dhalatay muranka hareeyey doorashada guud ee maamulkaas oo ay isku hayaan mucaaradka & xukuumadda.

Saddexda Xisbi ee kala ah Wadani, Ucid iyo midka talada haya ee Kulmiye ayaa isku hardinaya doorashada hoggaanka Somaliland, iyada mucaaradka ay dood xoogan ka keeneen, sida ay wax ku wado xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Dooda mucaaradka ayaa ah in doorashada waqtigeeda lagu qabto, taas oo ku beegan 13-ka November 2022, waxayna ku eedeeyeen Biixi inuu ku howlan yahay muddo kororsi.

Xukuumadda ayaa dhankeeda sheegtay in la joogo waqtigii la kordhin lahaa Axsaabta siyaasadda oo ku kooban Kulmiye oo talada haya, Waddani iyo Uicd oo mucaaradka ah.

Sidoo kale waxaa xiisadda uga sii daray markii garabka mucaaradka uu shaaciyey inay qabanayaan dibad-bax weyn oo looga soo horjeedo Madaxweynaha, balse waxaa diiday qorshahaasi xukuumadda oo ka hortimid, iyada oo sheegtay in dano gaar ah laga leeyahay.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo u warramay Wariyeyaasha ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin qabashada banaan-bax aan fasax loo heysanin, wuxuuna tilmaamay in wixii mas’uuliyad darro ah ee ka yimaada ay qaadi doonaan mucaaradka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan musharax xisbiga Wadani, Cabdiraxmaan Cirro uu ku baaqday isu bax ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland, isaga oo farriin u diray taageerayaasha xisbiga iyo guud ahaan shacabka, gaar ahaan dhalinyarada Somaliland.

“Dhalinyarada waxaan leeyahay, haddii ciidanku rasaas sharci darro ah idinku soo ridaan isku dhiga” ayuu yiri Cabdiaxmaan Ciro oo ka hadlayey dibad-baxa ay qorsheynayaan.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan balse xaaladda Somaliland ayaa u muuqata mid sii cakiremeysa, waxaana fashil kusoo dhamaaday wada-hadalladii u socday xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda, iyada oo kulankii ugu dambeeyey lagu kala kacay.