Wararkii ugu dambeeyey XIISADDA ka dhex-oogan dalalka MASAR iyo ITOOBIYA

Sochi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-Sisi iyo Raysul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa khamiistii kulan ku yeeshay magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Waxaana aad baraha bulshada iyo warbaahintaba loogu arkayey Sawirka muujinayey kulankaasi oo uu Madaxweyne Al-Sisi uu dhoola-cadeynayo, halka Abiy Ahmed uu dhiniciisa u fadhiyo si degan.

Kulankaasi ayaa imaanaya xili ay labada Mas’uul ka wada qeyb galayeen shirka Afrika iyo Ruushka, isagoona ku soo beegmaya un hal maalin kadib markii uu si adag ugu hanjabay Abiy Ahmed dowladda Masar.

Abiy Ahmed ayaa shalay waxa uu ku hanjabay in dalkiisi uu abaabuli doono malaayiin ciidamo ah oo la dagaalama dalka Masar, haddii looga maarmi waayo mashruuca ay Itoobiya waddo ee biyo-xireenka.

Madaxweyne Al-Sisi oo u muuqday mid iska dhego tiray hadaladii hanjabaada ahaa ee Abiy Ahmed, ayaa wuxuu yiri “Waxaan kugu hambalyeynayaa abaalmarinta Nobel Peace Prize, waxaadna tahay nin ay nabadu ka dhab tahay”.

Abiy Ahmed ayaa isaguna sidoo kale wuxuu yiri “Waxaan qaadanay nabada in aan ku xalino dhibaatooyinka aan la leenahay dowladaha dariska ah iyo taageerida horumarka Afrika”.

Raysul wasaare Abiy Ahmed ayaa waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay ka go’antahay dhameystirka mashruucaasi biyo xireenka oo uu ugu yeeray mashruuc ‘heer sarre ah’.

“Waa in la rumeysnaado inaysan jirin awood Itoobiya ka hor istaagi karta inay sameyso biyo xireeno” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii ay laga maarmaan noqotona dagaal, waxaan abaabuli karnaa malaayiin. Haddii ay qaar gani karaan gantaalo, qaarkale ayaa adeegsan kara bambooyin, laakiin midaasi maaha danteena”.

Hadalkan Abiy Ahmed ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah Masar, ayaa ku soo aadaya todobaadyo un kadib markii la shaaciyay in uu ku guuleystay bilada nabada ee ‘Nobel Peace Prize’, midaasi oo ka dhalatay isbadalkiisa siyaasadeed iyo dib ula heshiinta Ereteriya, oo muddo badan dagaal kala dhaxeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa