Wararkii ugu danbeeyay ee kiiska dacwada badda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli Maxkamadda Cadaaladda ICJ ee Magaalada Huage ee Dalka Holland, ka socda dacwada muranka Badda Somalia taa oo u dhexeysa dowladaha Somalia iyo Kenya.

Dacwada ayaa waxaa shalay markii Labaad la dhageystay Dowladda Kenay oo ku doodeysa in ay leedahay qeyb ka mi d ah Badda Somalia.

Dowlada Kenya waxa ay weli ku doodeysaa inay mudan tahay in dib loo dhigo dacwada Badda Somalia maadaama Somalia aysan gaarin heerkii laga filaayay dhan amni iyo dhan dhaqaale.

Kenya waxa ay sidoo kale sheegtay inay mudan tahay in dib ay isugu laabtan iyaga iyo Somalia, si buu yiri go’aan kale loo wada gaaro inta aysan soo bixin natiijada.

Kenya waxa ay sidoo kale ku doodeysaa in Maxkamadda Cadaaladda ICJ, ay fursad siiso Kenya iyo Somalia si ay jawi degan uga wada arinsadaan muranka Maxkamada horyaal.

Hoteelka ay degan yihiin wafdiga labada dhinac oo ay dooda u socto ayaa waxaa ka socda kulamo caadi ah oo u dhexeeya labada wafdi, inkastoo Wafdiga Somalia ay diidan yihiin in Kenya ay kala hadlaan howlaha Badda Somalia.

Dhinaca kale, dacwadaani ayaa hakat ku jirta maanta oo Khamiis ah waxa ayna dib u furmeysaa maalinta Jimcaha oo leysugu imaan doono Maxkamada, si loo dhageysto dooda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com