25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka KULUB.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Kulub ayaa sheegaya in Ciidanka Difaaca maamulka Puntland, ay bilaaben in goobaha uu dagaalka ka socdo u adeegsadaan Hubka culus.

Ciidamada ayaa la sheegayaa in deegaankaasi ay kasoo galeen ilaa Seddex jiho, iyaga oo fursad u diiday maleeshiyada.

Ciidamada ayaa la sheegayaa in maleeshiyada ay ka saaren jeexii ay ku jireen, waxaana wali socda Dagaalka oo leysu adeegsanaayo Hubka culus ee daran dooriga u dhaca oo aan maalmahaani la adeegsanin.

Dagaalka socda ayaa waxaa ka hadlay Col. Maxamuud Sumaysane oo hogaaminaaya Guutada Labaad ee Ciidanka Qalabka sida ee Puntland waxa uuna sheegay in Dagaalka uu yahay mid culus oo aan la sheegi karin Khasaaraha ka dhashay.

Col. Maxamuud Sumaysane, waxa uu sheegay in khasaaraha uu yahay mid u badan dhanka maleeshiyada, waxa uuna wacad ku maray in saacadaha soo socda ay soo afjari doonaan dagaalka.

Col. Maxamuud Sumaysane, waxa uu sheegay in khasaraha soo gaaray Ciidanka uu aad u yaryahay maadaama ay si xeeladaysan gudaha ugu galeen meesha ay maleeshiyada ku jireen.

Wasiirka Amniga ee Puntland oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in Howlgalka uu maraayo heer gabagabo, islamarkaana ay rajo badan muujinayaan.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in Dagaalka uu sii socon doono inta maleeshiyaadka ay ku sugan yihiin deegaan kamid ah Puntland.

Docda kale, waxaa sii xoogeysanaaya Dagaalka waxa ayna labada dhinac isku adeegsanayaan Hubka culus oo wakhtiyada qaar u gudbaaya xaafadaha.

 

- Advertisement -

Read more

Local News