Wararkii ugu danbeeyay ee shirka golaha iskaashiga

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe waxaa ka socda shir maalinkii Saddexaad galay ee u dhexeeya Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira dalka oo isugu tagay halkaasi.

Shirkan galay maalintii seddexaad ayaa waxaa qabsoomidiisa lahaa Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas), iyadoo mas’uuliyiinta kale ay soo dhaweeyen.

Hogaamiyayaasha uu shirka u dhexeeyo ayaa kala ah Hogaamiyaha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo qaarkood ay ku soo wajahan yihiin doorashooyin iyo qaarkood oo culeysaad siyaasadeed kala kulmay dowladda.

Maanta oo talaado ah ayaa lagu wadaa in shirkaasi la soo geba gabeeyo,isla markaana ay maamul  Goboleedyada ka soo saaran war-murtiyeed ku saabsan qodobadii ay ku heshiiyeen.

Warar hordhac ah ayaa waxa ay sheegayaan in qodobada ay ka mid noqon doonaan warkii ka soo baxay wasaaradda arrimaha Gudaha,doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay sheegen in dowladda Somalia Ciidamo geysay Magalada Baydhabo iyo qodobo kale.

Qodobada la filaayo inuu kusoo baxo war-murtiyeedka ayaa waxaa kamid noqon doona go’aanka cad ee maamulada kaga aadan faragalin lagu sameeyo doorashooyinka maamulada oo ay ugu soo horeyso Koonfur Galbeed.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in xalay Garowe ay kulamo gaar gaar ah ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada, waxayna kulankooda diirada ku saareen sida ay isugu waafaqi lahaayeen qodobada ku jira war-murtiyeedka shirka.

Sida uu qorshaha yahay kulankan ayaa maanta la soo gaba gabeyn doonaa, madaxdan lama oga waxyaabaha dhabta ah ee shirkoodan ay ka soo saari doonaan, balse sida looga bartay waxay soo saari doonaan war-murtiyeed ay ku cadeyn doonaan waxyaabaha ay isku fahmeen.

Si kastaba ha ahaatee, Markii ugu horeysay shirkan waxa aan ka qeyb galeynin madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dowladda federaalka la gaaray heshiis, waxaana ugu dambeysay shirkii kan ka horeeyay ee lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com