“Dowlada dhexe qaskeena waxa ay ku bixisay lacag iyo hub xoogan” Waxaa yiri…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxda Golaha iskaashiga maamul Goboleedyada ee ku shirsan magaalada Garoowe ayaa ka digay in dowlada Somalia ay horseed u noqoto amni daro ka dhacda deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxdu waxa ay sheegen in dowlada Dhexe aan looga aamusi doonin faragalin ay ku sameyso doorashada ka qabsoomi doonta magaalada Baydhabo.

Afhayeenka Golaha Iskaashiga Maamul Gobaleedyada ahna wasiirka Dastuurka Koofur Galbeed ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Xasan oo wareysi siinaayay Idaacada Knn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Golaha ay isku raaceen in la hor istaago caqabad waliba oo dowlada Dhexe ay ku waajaheyso doorashada guud ahaan maamulada, gaar ahaan tan Koonfur Galbeed.

Afhayeenka ayaa waxaa uu tilmaamay inay ka warhayaan Hubka iyo Lacagta faraha badan ee dowlada Somalia ay geysay magaalada Baydhabo ee Gobalka bay, waxa uuna nasiib darro ku sheegay in dowlada ay dhinac ka noqoto doorashada.

“Dowladu waxa ay Hubka iyo Lacagta ugu talo gashay inay ku qasto amniga iyo degnaanshaha deegaanada Koonfur Galbeed, wixii halkaa ka dhacaa inta lagu guda jiro doorashada Koonfur Galbeed waxaa dusha saran doona dowlada”.

Dowladu ayuu sheegay Afhayeenka in Carqaladeyn ay ku wado doorashada ka dhacaysa Magaalada Baydhabo Bisha soo socota, isagoona dowlada dhexe ka dalbaday in arrimhaasi ay joojiso.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in dowlada Dhexe ay wado qalalaaso badan oo ay dooneyso inay ka dhex abuurto doorashada iyo guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale, waxaa marba marka xigta aad loo adkeynayaa amaanka Magaalada Baydhabo, waxaana magaaadaasi ku sugan Musharixiin aad u fara badan, kuwaasi oo doonaya in ay xil ka qabtaan Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com