DF oo war kasoo saartay dagaalka gobolka Sool

Dowladda Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dagaalka xoogan ee ka dhacay deegaano hoostaga Dhumay oo katirsan gobolka Sool.

Dagaalka oo geystay khasaaro naf iyo maalba leh ayaa waxa uu salka ku hayay Dhul daaqsin iyo Xoolo la kala dhacay kaa oo si gaara ugu dhexeeyay laba beelood oo ood wadaag ah.

Dagaalka oo shalay dhacay, dhowr jeerna la isku soo noqnoqday, ayaa waxaa ku geeriyooday dad ka abdan 50 qof, halka ay ku dhaawacmeen 80 ruux, Sidaas waxaa sheegay dadka deegaanka, Saraakiisha Caafimaadka iyo maamulada deegaanadaa ka jira.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq nabadeed loogu diray beelaha walaalaha ah ee ku dirirsan deegaanada Dhumay, Dharkayngeenyo iyo Nawaaxigeeda, waxayna tacsi u dirayaan eheladii ay dadkoodi ku geeriyoodeen dirirta sokeeye.

Madaxwaynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqayaan Garaadada, madax dhaqameedka, culumaa’udiinka iyo waxgaradka deegaannadaas in ay u guntadaan nabadda, joojiyaanna dhiigga beelaha walaalaha ah ee daadanaya.

Waxaa ayaan darro ah in ay soo noq noqoto aafadan ragaadisay nabadda iyo xasilooninada deegaanada Gobalka Sool.

Dowladda federaalku waxa ay ka qaadan doontaa doorka uga aaddan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa deegaanadaas, Sidoo kale Madaxwaynaha iyo Ra’iisul wasaaruhu waxa ay farayaan Hay’addaha gargaarka dowladda in ay si deg deg ah ugu gurmadaan dadka dhaawaca ah iyo kuwa ku waxyeeloobay dagaalada ka soo cusboonaaday deegaannaddas.

Dowladda federaalku waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan umadda Soomaaliyeed in laga shaqeeyo horumarka iyo midnimada lana ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida oo aasaas u ah guud ahaan horumarka shacabka Soomaaliyeed.