Dhageyso: Sheekh Cali Dheere oo farriin u diray wasiir Xoosh Jabriil

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Cali Dheere ayaa Wasiirka Wasaradda Dastuurka Soomaaliya ka codsaday in talooyinka Cullimada laga dhigo qodob dastuuri ah.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay Bulshada Soomaaliyeed inay wadashaqeyso,isla markaana Dastuurka la geliyo qodob sheegaya in wadatasho Diineed loo baahan yahay.

saga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwii la dagaalami jiray Gumeystaha,isaga oo tusaalo u soo qaaday Culimo farabadan oo Caanka ahaa dalka.

Hadalkaan ayaa Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cali Dheere uu Maanta ka sheegay kulan looga hadlayay sida ay Amniga uga qeyb qaadan lahaayeen Cullimada Ahlusunna oo lagu qabtay Magalada Muqdisho.

Hoos ka dhageyso codka awqaafta Sheekh Cali Dheere

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com