Cabdikariin Guuleed oo si kulul u beeniyey ‘been uu Gaas ka sheegay’ Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa aad u beeniyey war sida uu sheegay Cabdi Weli Gaas uu uga been sheegay xaaladda maamulkii Galmudug ee uu isaga madax ka ahaa, oo horey dagaal ula galay Puntland.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Guuleed ku sheegay inaysan waxba ka jirin hadalka uu Gaas shalay ka sheegay shirka Garoowe ee ah in Galmudug ay hourin jirtay colaadda labada dhinaca, isaga oo taas beddelkeed ku eedeeyey Puntland inay diidaneyn jiritaanka Galmudug. Hoos ka aqri qoraalka Cabdikariim Guuleed.

GAAS IYO GALMUDUGTII SHALAY

Waxaa dhageystay warka uu mudane Gaas ka jeediyey madashii lagu furayey maanta shirka Garawe, waxaanna aad ola yaabay warka xaqiiqada ka fog ee uu maamulkii Galmudug ee aan madaxda ka ahaa ku eedeeyay inuu dagaalka Gaalkacyo hurinayey.

Haddaba waxaan rabaa inaan halkaan ku cadeeyo in Galmudug ay aheyd maamul nabadeed, nabadda Gaalkacyana u jajabneyd mar kasta waxaana taas marqaati ka ahaa dhamaan mas,uuliintii ku soo baxay colaadda ee Soomaali iyo ajnabiba lahaa, ku waas oo si cad u arkayey gardarada iyo colaadda ay Puntland iyo Cabdiwali Gaas wadeen, ee ay oga soo horjeedeen jiritaanka maamul ee Galmudug.

Taas waxaa daliil u ah in mar kasta cidda ergada nabadeed ay culuska saaraysay uu ahaa Cabdiwali Gaas iyo maamulkiisa, halka anaga dhankeena wax kasta oo na loogu yimaado ee nabadda ku saabsan ay miiska naga saarnaayeen, waxaa kaloo soomaali oo dhan ay marqaati ka aheyd hadaladii colaadeed ee uu mudane Gaas ka jeedinayey markasta goglaha nabadeed ee loo qabanayey nabadeyta Gaalkacyo.

Haddaba mudane Gaas marka uu is barbardhiyo Galmudugtii shalay iyo maanta malaha Galmidugta maanta waxuu ka helay oo uu ku heysta wax uu ka waayey Galmudugtii shalay waayo Galmudugtii shalay waxay aheyd mid aan magan aheyn oo u madax banaan siyaasadaheeda iyo jiritaankeeda, una taagan danaha dadkeeda iyo deegaanadeeda, taas oo aysan cidna wax ugu dhibeynin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com