Madax goboleedyada oo jawaab ka bixiyey ‘hub iyo ciidan ay dirtay dowlada’

Garowoe (Caasimada Online) – Wasiirka dastuurka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ahna Afhayeenka golaha iskaashiga maamul goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in saacaddihii la soo dhaafay ay ciidan iyo hub geysay Magaalada Baydhabo.

Mudane Cabdullaahi Sheekh Xasan, Waxaa uu intaasi raaciyey in diyaarad siday ciidan ay gaartay Magaalada Baydhabo, islamarkaana lagu doonaayo in lagu carqaladeeyo doorashadda Koonfur Galbeed ka dhici doonta Bisha soo socota.

Dowladda dhexe ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaadato gurmadka loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo todobaadkii hore.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay kasoo horjeedaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda warkii shalay kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee loogu baaqayay in golaha ay yimaadan gogoshii uu horay u fidiyay Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa maanta Baydhabo gaaray Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) isaga oo lagu wado inuu isku sharaxo jagada madaxweynimada maamulkaasi oo dhici-doona 17-ka bisha soo socota.

Cabdi casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ma aha keliya xildhibaan iyo wasiir ka tirsan dowladda federaalka ah, ee waxaa wadato xukuumadda, Baydhabo waxaa uu u tagay sidii uu meesha uga saari lahaa Sharif Xasan, madaxweynaha dowlad goboleedkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com