Muxuu wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga ka yiri halka lagu aasay meydka suxufi Jamal Khashoggi?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda boqortooyada Sacuudig Adel al-Jubeir ayaa sheegay in la ciqaabi doono mas’uuliyiintii ka danbeysay dilka Suxufiga Jamal Khashoggi, oo uu sheegay inaan meydkiisa la hayn.

Wasiirka oo wareysi siinaayay warbaahinta Fox News ayaa sheegay inay baahinayaan dhammaan xaqiiqda dilka Jamal Khashoggi oo uu sheegay inay ka dhalatay culeysyo.

Wasiir Adel al-Jubeir, waxa kaloo uu sheegay in Xeer Ilaaliyaha Sacuudiga uu been ku tilmaamay in Saxafigaas uu ka baxay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul.

Wasiirka waxa uu beeniyay in xubno ku dhow dhow boqor Bin Salman ay ku lug leeyihiin dilka Suxufiga, waxa uuna carabka ku dhuftay inuusan jirin qof ka tirsan Hoggaanka Sacuudiga oo uu ku jiro Bin Salman uusan ku lug laheen qadiyada dilkaas.

Waxa uu kaloo xusay Wasiirka in Bin Salman uu diyaar u yahay in la baaro lana ciqaabo mas’uuliyiinta ka danbeysay dilka Jamal Khashoggi, iyadoo lasoo bandhigayo xaqiiqda dhabta ah ee dilka.

Wasiir Adel al-Jubeir, ayaa sidoo kale sheegay inaysan garankarin halka lagu duugay Meydka Suxufi Jamal Khashoggi oo mar hore laga saaray Qunsuliyada.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Wasiir Adel al-Jubeir ayaa kusoo beegmaya iyadoo Madaxweynaha Turkiga uu ballanqaaday inuusan qarin doonin natiijada kasoo baxda baaritaanka dilka Saxafiga.

Xigasho: Fox News