Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada cakiran dalka Zimbabwe kadib go’aankii Mugabe

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxwayniha muddada dheer ka talinayay Zimbabwe Robert Mugabe ayaa la sheegay in uu diidan yahay in uu xilka ka dago ,iyada oo ay jiraan baaqyada ku saabsan in uu iscasilo.

Mugabe oo 93 ah ayaa xabsi guri laga dhigay ka dib markii militariga Zimbabwe ay awoodda dalkaasi la wareegeen Arbacadii.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxay wadaxaajoodka ergada ka socota gobolka iyo madaxa ciidammada.

Waxaa la soo saaray sawirro muujinaya madaxwaynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo la kulmaya madaxa ciidammada iyo ergo ka socota dalka Koonfur Afrika, xilli uu xabsi guri ku jiro.

Sawiradan ayaa muujinaya Mugabe oo dhoola cadaynaya, weriyaha BBC ee Afrika wuxuu sheegayaa in Mugabi uu u muuqdo mid xaalad daganaan ah ku jira, iyada oo ay jirto in militariga ay awoodda la wareegeen.

Hasa yeeshee warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in wadahadallada hormar laga sameeyay taasi oo ku saabsan in la gaaro heshiis horseedi kara in Mugabe uu xilka banneeyo.

Ururka Midowga Afrika ayaa waxay sheegeen in ay ku kalsoon yihiin in wadaxaajoodyada ay noqon doonaan kuwa mira dhal ah.

Waxaa jira hindise dhigaya in Mugabi lagu baddalo madaxweyne ku xigeenkiisii hore ee uu shaqada ka cayriyay, Emmerson Mnangagwa islamarkaana hogaamiyaha mucaaradka, Morgan Tsvangirai uu u noqdo raii’sulwasaare.

Hogaamiyayaasha gobolka ayaa sii xoojiyay dadaalka dhaxdhaxaadinta iyo wadaxaajoodka si xaaladda loo soo afjaro.

 

BBC