Xaflad lagu soo bandhigayo Buugga HILAADIN oo ka dhaceysa dalka Sweden

Stockholm (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Stockholm ee dalka Swedan ka dhici doonto xaflad lagu soo bandhigayo Buugga HILAADIN ee uu qoray Abwaan Bashiir M. Xersi.

Qaban Qaabada Xafladdaas ayaa si weyn looga dareemayaa wadamo badan oo ka tirsan Midowga Yurub iyo Qaaradaha kale ee Adduunka, waxaana la filayaa inay xafladaas noqon doonto mid si weyn looga soo qeybgalo.

Haddaba Hakaan hoose ka akhriso Ogeysiis ku saabsan ka qeybgalka Xafladdaas, Meesha iyo Taariikhda ay dhici doonto.

WARGELIN

Waxaa maamuus noo ah, in aad naga la soo qaybgasho, madasha lagu daahfurayo dhiganaha “HILAADIN”.

Qoraha buugga Bashiir M. Xersi ka sokow, waxaa kale oo ka qaybgeli doona bandhiggan buugeed abwaanno, qorayaal iyo aqoonyahanno kale.

Goobta: Rinkeby Folkets Hus

Jidsooc: Skårbygränd 1, 163 72 Spånga, Stockholm, Sweden

Maalinta: jimco

Goorta: 24/11/2017

Amminka: 16:00

Wixii intaas dheer, oo faahfaahin ah ka la xiriir:

– Cabdirisaaq Xaadir iyo Cali Siciid Cilmi: 070-189 21 02

– Bashiir M. Xersi; brdiraac@hotmail.com

Marka adiga oo mahadan ka soo qaybgalkaagu waa noo muhim, ee soo dhawaaw. Waa noo jimcaha dambe.

Tixgelin.