Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal barqanimadii maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay Aaga hoteelka Sugulle ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan llaa 3 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo ah dhammaan dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.

Maleeshiyaadka diriray ayaa isku qabtay muran ka dhashay dhul ballaaran oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaa weli halkaas laga dareemayaa xiisada xoogan.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dagaalkan uu sameeyey ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa gaadiida iyo goobaha ganacsiga oo saacado kooban hakad-galay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan israsaaseyntaas oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac intaba.

Degmada Gaalkacyo oo ka kooban koonfur iyo waqooyi, islamarkaana ay ka kala taliyaan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddiga ku ah amniga guud, sida qaraxyo, dailal qorsheysan iyo sidoo kale iska hor imaadyo hubeysan.