Sawirro: Golaha Wasiirada oo ansixiyey qaraar cusub kadibna magacaabis sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalad Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo kala duwan, waxaana shir guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah aya waxaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed iyo sidoo kale Qaraar la xiriira deegaannadii ugu dambeeyey ee  laga xorreeyey Al-Shabaab.

Qaraarka ay meel-mariyeen Golaha Wasiira ayaa ka kooban illaa  12 qodob oo dhammaan la xiriira deegaannada cusub ee laga saaray xoogaga kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo isugu jiro amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey Shabaab iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa anisixyey dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo Dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, kuwaasi oo wax ka beddel lagu sameeyey.

Dhanka kale xubnaha Golaha Wasiira Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa guddoomiye xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe u magacaabay, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, kadib soo jeedin ka timid Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cilmi Maxamuud Nuur

Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali ayaa  ah aqoonyahan aqoon durugsan u leh masuuliyaddan, sida ay Goluhu la wadaagay wasiir Cilmi Maxamuud Nuur.

Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli ay hadda hakad-geleen howlgalladii xoreynta ee ka socday gobollada, taas oo ay Wasaaradda Difaaca ku macneysay xeelad milatari.