Kampala (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Difaaca Uganda ayaa hadalkii ugu dambeeyay ee dardaaran ah u jeediyay guuto kale oo ka tirsan ciidamada Uganda kuwaasi oo maanta la filayo iney soo gaaraan dalka Soomaaliya, waxayna qeyb ka yihiin ciidamada ilaalinaya xarumaha qaramada ee Soomaaliya.
Katumba Wamala ayaa sheegay in ciidamada ka socda dowlada Uganda ay doorweyn ka qaateen howlgalka AMISOM ee ka socda dalka Soomaaliya, isagoo xarunta tababarka ku booqday ciidamo la doonayo iney badalaan kuwa ilaalinaya xarumaha QM.
Hadalkaan ayuu Mr Wamala ka jeediyay xerada tababarka Singo oo ku taala magaalada Nakaseke ee dalka Uganda, halkaasi oo tababar loogu soo xirayay ciidamada loosoo dirayo dalka Soomaaliya.
Ciidamada oo ka kooban 530 askari ayaa badali doona ciidamada ilaalinaya xarumaha QM ee Soomaaliya soo gaaray sanad ka hor, kuwaasi oo la qorsheynayo iney maanta soo gaaraan dalka Soomaaliya.
Muddo hal sano ah ayaa la qorsheynayaa iney kasii mid ahaadaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxayna si gaar ah u ilaalinayaan xarumaha QM ee Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Uganda
[email protected]