27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Dhageyso: Dib u dhac ku yimid doorashada madaxweynaha Galmudug

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa dib loo dhigay waqtiga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug oo dhawaan xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ay kalsoonida kala laabteen.

Sababta xildhibaanada Galmudug ay dib ugu dhigeen doorashada Galmudug ayay ku sheegeen in xiliga doorashada Galmudug ay ku aadan doorashada madaxweynaha SOomaaliya waqtiga la dooranayo.

Xildhibaan Faysal Axmed Cabdulle oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka galmudug ayaa sheegay inay aqbaleen codsi kaga yimid beesha caalamka.

Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo u dhaxeeyay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug iyo wakiilada beesha caalamka ayaa u muuqdo mid ay isku af garteen.

Xubnaha beesha caalamka ayaa si hoose u taageeraya qorshaha madaxweyne Guuleed meesha looga saarayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News