Warbixin: + Sawirro: Qaabkii ay u dhacday dacwadii badda iyo Kenya oo qodob xasaasi ah ku qabsatay Somalia

Hague (Caasimada Online) – Kenya ayaa maxkamadda Caddaaladda Dunida ka hor sheegtay in maxkamdaasi oo fadhigeedu yahay magaalada Hague aysan daw u lahayn qaadista dacawadda la xiririta soohdinta badda ee kala dhaxeyso Soomaaliya.

Garsoorayaasha maxkamadda ayaa maanta dhageysanayay sababta Kenya ay u diidan tahay in dacawddan ay maxkamadda dhageysato.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya, Githu Muigai ayaa maxkamadda u sheegay inay jiraan laba siyaabood oo aan dawcadda ahayn oo lagu xalin karo murankan sida in la raaco heshiiskii is afgaradka ee Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen sanaddii 2009-kii amaba in loo maro heshiiska caalamiga ah ee xadaynta badaha ee Qaramada Midoobay.

Dhagaysiga ayaa khuseeya oo kaliya diidmada ka timid dhinaca Kenya oo ku doodeysa in maxkamaddan aysan awood u lahayn in ay xaliso murankan.

Soomaaliya ayaa berrito jawaabi celin ka sameyn doonto doodaha ay soo gudbisay Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwaddan geysay maxkmaddan oo ah waax garsoor o ka tirsan Qaramada Midoobay sanaddii 2014-kii.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduuda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Balse dawladda Kenya ayaa su’aal galisay awoodda ay maxkamadda u leedahay in ay qaado dacwaddan oo ay sheegtay inay ka baxsantahay xeer-xeyndaabkeeda.

Maxkamadda Isbuucan

Maxkamadda waxay sheegtay in isbuucan ay dhageysan doonto dooda Kenya ay ku diidantahay in maxkmadda ay gasho dacwadda ay Soomaaliya soo gudbisay iyadoo dawladda Soomaaliyana fursad loo siin doono inay jawaab-celin ka sameyso doodda Kenya.

Waxaa jiri doona labo wareeg oo dhageysiga dacwaddan ah, waxaana la soo gabagabeyn doonaa Jimcaha soo socdo.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa BBC-da u sheegay in Soomaaliya ay ka go’antahay in doodda muranka soohdinta lagu soo afjaro maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda.

Maxaa xiga dhgeysiga

Maxkamadda ayaa marka ay dhageysato doodan labada dhinac waxay go’aan ka soo saari doontaa dalabka Kenya ee ah in maxkmaddu aysan qaadi karin doodan iyo in kale.

Dr. Axmed ayaa sheegay in garsoorayaasha maxkamadda ay go’aan ku gaari doonaan muddo seddax bilood gudahood ah.

Haddii garsoorayaasha maxkamadda ay u arkaan in dacwaddan ay tahay mid maxkamadda xeer ahaan u taalla waxay ku amri doonaan dawladda Kenya inay ka soo jawaabto dacwadda laga soo gudbiyay oo sidaasi ay ku billaabato dhageysiga dacwadda ay Soomaaliya soo gudbisay.

Go’aannada ay gaarto maxkamaddan racfaan lagama qaadan karo, waxayna dhinacyada ku khasbanyihiin inay fuliyaan.

Shidaalka badda lagu mursanyahay

Waxaa la rumeysan yahay in badda ay ku muransan yihiin Kenya iyo Soomaaliya uu hoos ceegaago keyd shidaal.

Dowladda Kenya ayaa dacwadda ka hor heshiis kula gashay shirkado caalami ah inay aag-badeedka lagu muransnyahay ay shidaal ka baaraan. Balse markii ay Soomaaliya dacwadda gudbisay laba sano ka hor qaar ka mid ah shirkadaasi ayaa billaabay in ay hakiyaan hawlihii ay halkaa ka wadeen halka kuwa kalana ay wali sii wadaan.

Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Kenya waxay hadda ka hor ka digtay in haddii ay Soomaaliya ku guuleysato dacwadda ay suurta gal tahay in Kenya ay ku dhacdo bad la’aan.

Yuusuf Garaad oo kasoo warramay xarunta maxkamadda hoos ka aqri

Maanta ayuu Hague ka furmay dhegeysiga diidmo ay Kenya ka keentay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ.

Kenya waxaa ay qabtaa in aan Maxkaddu gelin dacwadda iyada oo ku adkeysaneysa in Soomaaliya iyo Kenya ay Is-Afgarad kala saxiixdeen 2009. Kaas oo labada dal ay ku heshiyyeen, sida ay Kenya u dhigeyso in wadahadal ay xalliyaan dhammaan aagagga ay labada dhinac ku muransan yihiin.

Sidaa darteed Kenya waxay qabtaa in Soomaaliya ay xushmeyso oo ay u hoggaansanaato waxa uu qorayo Is-Afgarad ay la saxiixatay Kenya 2009.

Kenya waxaa ay Soomaaliya ku eedeysay in ay qaadatay Istaraateejiyad ay ku diideyso Is-Afgaradka uu Wasiirkeedu saxiixay. Waxayna sheegtay in diidmada marba weji loo yeelay. Mar la yiri Wasiirku ma haysan oggolaasho, taas oo beenowday markii ay soo baxday warqaddii loogu fasaxy in uu saxiixo. Mar la yiri Baarlamaanka ayaa diiday laakiin Kenya waxay sheegtay in ay hayso kelmad kasta oo ah dooddii Baarlamaanka ka dhacday kuna jirin wax sheegaya Is-Afgaradku in uu khaladan yahay.

Kenya waxay dooddeeda u sameysay hordhac qurux badan oo muujinaya sida ay Kenya o saacidday Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed. Tusaale waxay Kenya u soo qaadatay soo dhoweynta qaxootiga, marti-gelinta shirkii lagu dhisay Dowladda Soomaaliya 2004, marti gelinta Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya ilaa ay aakhirkii u suurta gashay in ay si qeyb qeyb ah ugu guuraan Soomaaliya. Kenya waxaa kale oo ay sheegtay in ay wiilasheeda iyo gabdhaheeda ciidanka ay u dirtay Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan nabadeynta dalka, howlgalkaas oo ay ciidan badani uga dhinteen.

Arrimahaas oo dhan ayaa muujinaya ayay yiraahdeen in aanay suurta-gal ka ahayn Kenya in ay bad Soomaliya leedahay ay boobto.

Kenya waxaa wafdigeeda hoggaaminaya Garyaqaanka Guud, Githu Muigai.Madam Rose Makena Muchiri, oo ah Danjiraha Kenya u fadhiya magaalada Hague, Amos Wako oo xubin ka ah Aqalka Sare ee Kenya horna u ahaan jiray Garyaqaanka Guud, mas’uuliyiin kale iyo Qareenno caalami ah oou dhashay Mareykan, British iyo Faransiis.

Berrito ayay Maxkamaddu dhegeysan doontaa jawaabta Soomaaliya.

bad1bad2bad3bad4bad5bad6bad7bad8bad9bad10bad11bad12bad13bad14

Caasimada Online
Xafiiska London 
Caasimada@live.com