Aqriso liiska: Sida beelaha loogu qeybiyey xildhibaanada maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe

Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiis la gaaray qeybsiga xildhibaanada 91-ka ah ee maamulka cusub ee loo dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in xildhibaanada la gaarsiiyey 91 Xildhibaan, cabasho ka timid beelaha qaar oo markii hore sheegay in 71 xildhibaan ee horay loo soo bandhigay ay tahay mid ku yar beelaha labada gobol.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in la qeybiyey xildhibaanada Beelaha labada gobol islamarkaana lasoo bandhigi doono dhowana.

Yaxye ayaa sheegay in beel walba tirada ka soo gaartay Xildhibaankiiba ku dhufsaneyso 3 oo ah ergada beel walba uga qeyb geli doono shirka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in 3-da bisha October la dooran doono Madaxweynaha Maamulka, isla markaana 28-ka bishan la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana uu ugu baaqay beelaha inay soo dedejiyaan soo xulista Xildhibaanada uu yeelanayo Baarlamaanka.

Caasimada Online ayaa haddaba heshay qaabka beelaha loogu qeybiyey xildhibaanada ee hoos ka aqriso.

1- Abgaal 15
2- Xawaadle 13
3- Gaaljecel 12
4- Jareer weyne 11
5- Gugundhabe 11
6- H/gidir 5
7- Moobleen 3
8- Ciise Muddulood 3
9- Hiilibi 2
10- Shiiqaal 1
11- Reer Aw xasan 1
FG: Liiskan waa horduhac, waxaana weli dhiman beelo aan la isku raacin tirada ay helayaan, kuwaas oo aan gadaal idin kaga soo gudbin doono Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com