Xog: Yaa ka dambeeyey beentii laga faafiyey Kaynaan iyo dibad-bixii ka dhacay Minneapolis?

Minneapolis (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xog dheeri ah ka heshay sababtii keentay in fanaanka Soomaaliyeed ee caanka ah Kaynaan Cabdi Warsame looga banaanbaxo magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, toddobaadkii hore.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in arbushaadda lagu sameeyey Kaynaan ay ugu wacan tahay loolan ka dhaxeeya laba ka mid ah ururada Soomaalida ee ka jira xaafadda Cedar-Riverside ee magaalada Minneapolis.

Dadka ku banaanbaxay Kaynaan ayaa faafiyey warar ay ku sheegeen in musalsalka uu dhowaan soo wado ee Muqdisho-Minnesota oo ka bixi doona taleefishinka HBO uu yahay mid Soomaalida ku shabadeynaya inay yihiin argagixiso.

Hase yeeshee xaqiiqda ayaa ah, sida ay ogaatay Caasimada Online, in tani ay ahayd arrin lagu xumeynayey urur ka jira xaafadda Cedar-Riverside ee magaalada Minneapolis oo lagu magacaabo West Bank Community Coalition.

Ururkan oo ka mid ah ururada ugu weyn ee ka jira xaafaddaas, dhaqaale badanna uu soo galo, ayaa waxaa ku magacaaban dhallinyaro Soomaali ah, hase yeeshee waxaa dusha sare ka maamula Cabdi Warsame oo ka tirsan golaha deegaanka Minneapolis.

Waa ururka soo agaasimay imaatinta Kaynaan ee Minneapolis iyo isu soo baxii koobnaa ee uu ku qabtay halkaas.

Banaanbaxa Kaynaan lagu sameeyey ayaa waxaa ka dambeeyey dad horey ururka uga tirsanaa, qaarna ayba madax kasoo noqdeen balse markii dambe laga ceyriyey oo urur kale sameystay.

Sidaa darteed, dibadbaxa lagu sameeyey Kaynaan ayaan shaqo ku lahayn dhaliil ka dhan ah musalsalka uu soo wado, balse waxa uu ahaa mid lagu xumeynayey ururka West Bank Community Coalition.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com