Warbixin shaacisay ‘xaddiga laalushka’ ee MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay sarre u kacay musuq-maasuqa iyo laalushka ay hay’addaha dowladda qaadato, midaasi oo hoos u dhigtay la dagaalanka musuq-maasuqa, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay hay’adda la dagaallanta musuq-maasuqa Soomaaliya ee MARQAATI.

Hay’adda ayaa daraasad ay ka sameysay heerka musuqa dalka ayaa sheegtay in musuq-maasuqa uu ku baahay guud ahaan Soomaaliya, ayada oo xustay in 50% dadka ku nool caasimada dalka ay bixiyaan laaluush joogta ah.

“Sharciga oo liita iyo hay’ado aan jirin oo la xisaabtama kuwa awooda haya, bixinta laaluushka ayaa ku soo badanaya Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay ku xoogan tahay dowladu. In kasta oo guud ahaan bixinta laaluushka ay tahay 14%, waa tiro go’an maxaa yeelay joogitaanka dawladdu ee gobolladu wuu daciifsan yahay ama kama joogo dalka intiisa badan,” ayaa lagu yiri warbixinta.

“Degmooyinka Muqdisho qaarkood, oo ah halka ay ku xoogan tahay dawladdu, bixinta laaluushka waxay gaareysaa ilaa 50%. Baahida laaluushka ayaa ugu badan ciidamada amniga ee dowladda federaalka, kuwa amniga gobolka Banaadir, iyo Al-Shabab. FMS-yada Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxay arkaan dalab laaluush oo aad u badan, taasi oo xoojinaysa qiimeynta ah in joogitaanka dawladda ee gobol ay astaan u tahay kororka dhacdooyinka bixinta laaluushka”.

Inta badan lacagaha laalushka ee caasimada dalka ayaa waxay daraasadu muujineysa in la siiyo ciidanka dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir, halka kuwa goboladana la siiyo Ciidamada maamulada iyo kooxda Al Shabaab oo iyadu meel sare kaga jirta liiska.

Marqaati ayaa sheegtay in sababta uu musuq-maasuqa ugu sii baahayo caasimada ay tahay ‘xoojinta hay’ádaha amniga iyadoo aan la xoojin xukunka sharciga ayaa u horseedaya Soomaaliya inay yeelato dowlad aan xakameynin sharciga isla markaana aan ka jawaabin rabitaanka shacabka’.

Ugu dambeyntiina waxaa daraasada cusub lagu sheegay in dowladda federaalka ay ka gaabisay la dagaalanka musuq-maasuqa, islamarkaana ay awooda dowladda loo weeciyay ilaalinta danaha shaqsiyadeed ee madaxda dawladda, midaasi oo meesha ka saartay xakameynta dhaq-dhaqaaqa maaliyadeed ee argagixisada ka wadaan gudaha caasimada iyo musuq-maasuqa baahay.